Xildhibaanada Puntland oo meel mariyey iibinta guriga dowladda hoose ee Garoowe

Published: August 10, 2023
Shares48

Fadhigii Golaha Wakiilada Puntland waxaa maanta looga doodey laba qodob oo Madaxweynaha Puntland u gudbiyey Golaha wakiilada kuwaas oo kala ahaa:

  1. Ansixinta ax ka beddelka xeerka doorashooyinka gloyaasha deegaanka iyo xeerka gobolada
  2. Iibinta dhulka Dowladda Hoose ee Garoowe.

Fadhiga waxaa soo xaadirey xildhibaano gaaraya 40 xildhibaan waxaa oggolaadey 21 xildhibaan oo keliya, waxaa diidey 9 xildhibaan, halka inta kale ka aamuseen.

Iibinta dhulka dowladda hoose ee Garoowe ayaa xildhbaanadu ku diideen cod aqlabiyad leh kalfadhigii 50aad ee sanadkii 2022 kadib markii Madaxweyne Deni uu sidaas ka codsadey qoraalna ugu gudbiyey.

Dastuurka Puntland qodobkiisa 52aad ayaa qaba in dhulka qiimihiisu ka badan yahay $50 kun oo dollarka Maraykanka ah aan la iibin karin iyada oo aan oggolaansho laga haysan Golaha Wakiilada. Waxaa la is weydiinayaa sababta ay kalfadhigii hore ku diideen iyaga oo xilkoodu gabaabsi yahayna ay u ansixiyeen iyada oo Garoowe aysan lahayn gole deegaan oo bulshada metala.

War ka soo baxay Golaha Wakiilada ayaa lagu sheegay in iibka dowladda hoose uu noqon doono mid daah furan oo loo tartamo, lacagta ka soo baxdona lagu dhisi doono xarunta cusub ee dowladda hoose Garoowe.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha wakiilada ayaa sheegay in ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen wax ka beddelka xeerka doorashooyinka goloyaasha deegaanka Puntland iyo kan gobolada, meelaha isbeddelka lagu sameeyey waxa akamid ah habka loo dooranaayo guddoommiyaha degmada, oo ahayd qarsoodi markii hore ayaa hadda lagu daray option kale oo dhigaya in ay gacan taag noqon karto.

Horseed Media