Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ka shiray arrimaha Amniga

Published: January 3, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta warbixino looga dhageystay wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Dib u heshiisiinta iyo Amniga ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaarada amniga ayaa ka warbixiyey howlgalo lagu xoojinaayey amaanka oo hey’adaha amniga ay ka sameeyeen magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne, Wasiirka ayaa sheegay in howlgaladii laga sameeyay caasimada Jowhar lagu soo qab-qabtay rag abaabulayay falal lidi ku ah amaanka Magaalada.

Wasiirka wasaaradda dib-u-heshiisiinta iyo dib u dejinta ee Hirshabeelle, ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixin ku saabsan degmooyinka ay ka jiraan xaaladaha u baahan dib u heshiisiinta, waxaa uu sheegay in wasaaraddu tababar u sameysay in ka badan 50 qof oo laga soo xulay bulshada qeybaheeda kala duwan oo lagu baray wacyigalinta bulshada iyo xalinta khilaafadka.

Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay xubnaha Golaha shaqooyin muhiimka ee ay qabteen, isagoo kula dardaarmay inay sii laba laabaan howlaha shaqo ee horyaala.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *