Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyey miisaaniyadda dowladda

Published: May 26, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyey miisaaniyadda dowladda oo dhan ,($918.7M) taas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, iyadoo Wasaaraddu ay soo jeedisay in xilka Agaasimaha Nabad-sugidda loo magacaabo Mahad Maxamed Salaad, taas oo ay meel mariyeen Golaha Xukuumaddu.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda warbixinaha ay soo gudbiyeen iyo shaqada ay qabteen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *