Golaha Wasiirrada DFS oo ansixiyay Xeerar muhiim ah.

Published: February 27, 2020

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadla ahaa ku eesha caasimada Muqdisho Golaha ayaa meel-mariyay Hindise Sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hindise Sharciyeedka Socdaalka, Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda, Siyaasadda waxbarashada dalka iyo Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska.

Kulanka golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha.

Shirka oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kale oo lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-af-garad ah oo dhex maray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay hoteelka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle.

Dhammaan Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha qaran ee golohu meel mariyay ayaa qayb ka ah dadaallo ay xukuumaddu waddo kaas oo la xiriira sidii loo heli lahaa tix-raac sharci iyo siyaasado cadcad oo si hufan oo dawlada ay diyaarinayso.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *