Goodax Barre oo sheegay in beesha Xawaadle dagaalka Hiiraan ee al-Shabaab looga baxay

Published: October 12, 2022
Shares20

Siyaasi Cabdullaahi Goodax Barre ayaa muuqaal uu soo dhigey bartiisa Facebook ku sheegay in dagaalka ka socda Hiiraan ee ka dhanka ah al-Shabaab aan daacad laga wada ahayn isla markana looga baxay beesha Xawaadle.

Goodax ayaa su’aalo muhim ah is weydiiyey kuwaas oo ah in iyada oo ciidankii dowladda ee la beeleeyey Cadalena loo saarey, al-Shabaab ay soo dhaafaan dib ugu soo laabtaan Hiiraan iyaga oo kumaankun ah, sida ay ku dhacdey.

Goodax wuxuu sheegay in al-Shabaab ay isku haleyn haystaan in gudaha ay ka diriraan, halkaasna ay ka abuurmeyso in la istuhmo oo ay dhici karto heshiis lala galey al-Shabaab waddona loo siiyey in ay beesha Xawaadle keliya la diriraan.

Siyaasi Goodax ayaa baaq u direy guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana uu ka codsadey in uu dib u qiimeyn sameeyo oo xisaabtamo.

Ciidamadii Dowladda oo la siiyey magaca Muddolood oo shirib iyo qalaad isku daraya ayaa maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, kuwaas oo ilaa hadda meel ay ka soo muuqdeen aysan jirin.

Dagaaladii ugu danbeeyey ayaa la dhacay Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Horseed media