Published: October 31, 2020
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/hirshabeelle.jpg)
Xildhibaannada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha KMG ah ee shir guddoomin doona inta laga soo dooranayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Xildhibaan, Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka maamulkaas.
Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii ay u dhici laheyd Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, iyagoo Guddiga yeelan doono kulamo.
Hoos ka akhriso:
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/10/WARAAQ-2-536x720.jpg)
Horseed Media