Guddiga doorashada Hirshabeelle oo dib u dhigay doorashadii maanta ee Baladweyne

Published: February 26, 2022

Guddiga Doorashada Hirshabelle ( SEIT) ayaa ku wargaliyay dhamaan umadda somaaliyeed iyo Murashixiinta in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa in maanta oo sabti ah ka dhacdo magaalada Baladweyne..

Doorashada lixda kursi oo sabab farsamo awgeed u baaqatay ayaa lagu wadaa in la qabto Maalinta axada 27/02/2022, sida guddiga doorashada Hirshabeelle ay sheegeen.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu ammaanay guddiga doorashada hirshabeelle dadajinta doorashada iyo sida hufnaanta leh ee ay ku socoto.

Kuraasta doorashadooda la qaban doono Maalinta axada ayaa kala ah ;

1.HOP#006

2.HOP#022

3.HOP#003

4.HOP#032

5.HOP#252

6.HOP#068

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *