Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga oo shaaciyay Odayaasha soo xulaya Ergada

Published: February 19, 2022

Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga ayaa shaaciyay Odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xuli doonta Xildhibaanada beellaha Banaadiriga.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga Sacdiyo Cali Boloy, ayaa sheegtay in doorashada ay dhici doonto maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Shanta xubnood ee beellaha Banaadiriga ayaa la wada dooran doonnaa hal maalin, waxaana cabasho badan ka muujiyay qaar ka mid ah beellaha Banaadiriga oo sheegay in kuraastoodii la dhacay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *