Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo sheegay in aan la qaban karin Doorashada xilligii loogu talo-galay

Published: September 24, 2022
Shares38

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aanay qabankarin Doorashada madaxtooyada Somaliland xilligii loogu talo-galay ee 13 November.

Komiishanka Doorashooyinka waxa ay sheegeen in farsamo ahaan ay ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.

Komiishanka ayaa sheegay in muddadaa Sagaalka sagaalka billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Tani waxa ay la macno tahay in Golaha Guurtida Somaliland madaxweynaha muddo kordhin u samayn doonaan.

Mudooyinkii dambe Somaliland waxaa kataagnaa khilaaf ku soo saabsan doorashada Madaxweynaha kaas u dhaxeeyey Xukuumadda Muuse Biixi iyo Xisbiyada mucaaradka.

Horseed Media