Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland oo warbixin ka soo saaray xaaladda Abaarta

Published: July 30, 2022
Shares54

Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland soo saaray Warsaxaafadeed ayaa shaaciyay in Xaaladda Abaarta ka jirta Puntland laga cabsi qabo in ay u gudubto Heerka Macluusha.

Guddiga oo xiganaya Xogta ay soo saartay Xukuumadda Puntland ayaa sheegay in ay jirto Xaalad Abaareed oo Culus islamarkaana ku baahsan dhammaan Gobollada kala duwan ee ay ka kooban tahay Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 345,00 qoys oo badankooduna yahay dadka ku nool miyiga ay saameysay abaarta, halka tiro gaareysa 87,660 qoys ay ku barakaceen xaaladda abaareed.

Guddiga ayaa ku baaqay in dadkaas Abaartu saamaysay lala gaaro Biya-dhaamis deg deg ah Gurmad dhanka Cuntada iyo dawooyinka ah.

Warsaxaafadeed Gudiga Abaaraha Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *