Guddiga Gurmadka Fatahaadaha oo la kulmay Hay’addaha Gargaarka ee dalalka Islaamka

Published: November 13, 2023

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilo & Masuuliyiin ka socda hay’addaha Ururka iskaashiga islaamka (OIC ).

Kulankaan oo deg-degdeg ahaa ayaa  ku saabsanaa Isku-dubbaridka gurmadka Bani’aadamnimada.

Waxaana lagu  soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka dagan deeganada ay fatahaada ka dhacday.

Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degdega ah  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay.

Waxaa sidoo kale kulankaan looga hadlay isku-duwidda iyo in hay’addaha ay ka qayb-qaataan Dib-u-dejinta dadka barakacay & nafaqeeyntooda.

Hay’ aduhu waxay balan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan, qaybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degdega ah.

Horseed Media