Guddoomiyaha Buulo-berde oo ka warbixiyey dagaal ka dhacay duleedka degmadaas

Published: October 10, 2022
Shares6

Dagaal socday muddo ku dhow 10 saacadood ayaa shalay ka dhacay meel u dhaw degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas ayaa dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa macaawisleyda oo dhinac ah iyo dagaallamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burde, Cisman Geeddi Cilmi oo ka warbixiyey dagaalkaas ayaa sheegay inuu ka bilowday weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Ciidamada dowladda iyo dadka dib u xoreynta degaanka oo ku sugnaa degaanka Jicibow oo ku dhawaad 30km u jira Buulo Burde.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in khasaaro xoogan dagaalka lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sidòo kalena lagu go’doomiyay dhulka Buuraha ah ee u dhow aaga deganka Jicibow.

Guddoomiye Cisman Geeddi ayaa sii hadlayey ayaa shaaciyey Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weli wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Horseed Media