Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo kormeeray goobaha ganacsiga degmada Buula-burde.

Published: March 8, 2020

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa booqday goobaha ganacsiga degmada Buulaburde,waxaana kormeerka ku wehelinayay maamulka degmada saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isagoona sheegay in magaalada Buulo-burte ay tahay mid amni ah.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ciidamada amniga kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan sugida amniga iyo shaqada muhiimka ah ay Qaranka u hayaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Caraale ayaa Bulshada ku dhaqan degmada Buula-burde ugu baaqay iney la shaqeeyaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *