Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe oo digniin u diray Xildhibaanada Golaha

Published: January 7, 2023

Xildhibaanada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya oo maanta lagu waday inay kulanoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday.

Kulankii Xildhibaanada ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee aan soo xaadirin fadhiyada Golaha ka dalbaday inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee laga doonayo, isagoona sheegay in uusan yeeli doonin habdhaqanka Xildhibaanada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Xildhibaanada iska maqana lala xisabaatami doono, isla markaana uu qaadayo tallaabo, uusana dooneynin in sharciga lagu tunto.

Horseed Media