Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Published: April 27, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Turkiga ayaa kulan doceed la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa daba socday Shirka 5-aad ee Madasha Baarlamaanda Qudus oo shalay ka furmay Istanbul, kulanka ayaa diirada lagu saaray Iskaashiga labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxay xoojiyeen sidii loo bilaabi lahaa wada-shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxayna ku dheeraadeen xorriyadda Falastiin iyo sidii xal loogu gaari lahaa.

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Shirka oo ay ku kulmi doonaan madaxda Baarlamaannda waddamada Islaamka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu gaari lahaa arrinta walaalaha reer Falastiin, waxaana goobjoog ahaa madax kala duwan oo ka kala timid, Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Yurub, waxayna dhamman madaxda ay aragtidooda ku cabireen qadiyadda Falastiiniyiinta oo ay taageero buuxda u muujiyeen.