Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulan la qaatay saraakiisha laamaha ammaanka

Published: June 23, 2022

Ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS   Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xoriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen si nabad ah.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

Sidoo kale ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xorriyadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *