Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Midowga Musharraxiinta KGS

Published: December 28, 2022
Shares2

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. 

Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaa shado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta kooxda Al-Shabaab.

Kulanka Guddoomiyaha iyo musharraxiinta ayaa loo balamay in laiskugu soo laaban doono.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo Al-shabaab.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan Magaalada Baydhabo uu ku dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaas oo yimid kadib markii la weeraray guriga mid kamid ah Musharraxiinta ka soo horjeeda muddo kordhinta Madaxweyne Laftagareen.

Horseed Media