Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo eedeyn u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Published: January 2, 2023

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlay xaadaha ka taagan Laascaanood ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in ay qaadaneyso mas’uuliyadda wixii ka dhasha.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa in sheegay sababay horseedday in dad badan dhibaato soo gaarto ay tahay siyaasad xumada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi & maamulka ugu magacaabay Gobolka Sool iyo Magaalada Laascaanood, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamo Militari ah la dul dhigay Dadka iyaga oo dhibaatooyin xooggan u geysanaya balse nasiib xumo aanay jirin mas’uul katirsan Xukuumadda oo u istaagay sidii xal loogu heli lahaa shacabkaan xaaladda amni darro ka kacay ee xabadda lagala hortagay.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool weli waxaa ka socda dibadbaxyo sababay dhimasho, dhaawac, Khasaare maaliyadeed & caburin lagu hayo dadka Shacabka ah.

Horseed Media