Guddoomiye Cirro Oo Laga Helay Coronavirus

Published: October 23, 2020

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa maanta jimce ah laga helay xanuunka sida weyn ugu faafay dunida ee Coronavirus.

Qoraal uu guddoomiye Cirro kusoo daabacay boggiisa Facebook ayuu ku sheegay kadib markii la baaray in laga helay xanuunka Covid19.

Alxamdulillaah calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Coronavirus [covid19] baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay.

Guddoomiye Cirro

Waa masuulkii ugu horeeyey ee Soomaaliland oo laga helay xanuunka Coronavirus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *