Published: April 10, 2020
by: Horseed Staff
Ismaaciil Warsame Faarax ”Webi” Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Maaliyadda Maamulka degmada Jowhar ayaa ku dhaawac kasoo gaaray weerar bambaano oo lagu qaaday hotel ku yaal magaalada Jowhar.
Weerarkaan ayaa ka dhacay Hoteelka Safa ee Magaalada Jowhar waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ku cawaynayay gudaha Hoteelka, Weerarkan bam ayaa ah kii labaad ee waxyeelo geysta oo ka dhaca magaalada Jowhar toddobaad gudihiis.