Guddoomiye Madaale Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Dhigiisa Magaalada Ankara

Published: October 30, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiya ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa Magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş kadib markii uu Casuumad rasmi ah ka helay.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Magaalo iyo dib usoo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989.

Guddoomiye Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa Madax kala gedisan oo ka tirsan Dowladda Turkiya iyo hey’addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta.

Horseed Media