Guddoomiye Mursal Oo Kasoo Horjeestay War-murtiyeedka Shirkii Dhuusamareeb

Published: July 15, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga maamul goboleedyada ee Dhuusamareeb.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inaysan maamul goboleedyadu ka hadli karin nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa taas go’aan gaaristeedana ay leeyihiin golaha shacabka, isla markaana ogolaan doonin inay dhacdo doorasho dadban.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Sidoo kale Mursal ayaa ka hadlay safarkii guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cawad uu ku tagey Dhuusamareeb isagoo sheegay inay la yaab ku noqotay arrintaas isla markaana uusan matalin baarlamaanka.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Hadalka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kusoo beegmaya xili uu madaxweyne Farmaajo ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb isagoo halkaas kaga qaybgali doona wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Guddoomiye Mursal, hadalkiisu, wuxuu u muuqdaa nin dareemay Go’doon Siyaasadeed oo uusan ka filayn Kooxda #VillaSomalia oo (uu Sharci-Jebin badan, daraadood, u sameeyey) haddase, u sii qalab-qaatay ka qayb galka Shirka 2aad ee Dhuusamareeb. Guddoomiye Mursal haddii uu, weli, ku doodayo Doorasho Qof iyo Cod ah baa Soomaaliya ka dhici kartaa, waa dhaawacii labaad oo siyaasadeed ee uu isu geysto!

  2. Guddoomiye Mursal ina addeerkiis ayaa booska looga qaaday shuruud baana lagu xiray sida muuqata. Shuruudihii ayuuna fuliynayaa. Illaahow hana ceebayn oo weliba cunto darteed ha noo ceebayn.

  3. Riwaayadda doorashada soomaaliyeen ee dadweynuhu daawanayo aan sugno waxay ku dhamaato, koley magacyo ayaa ka haraya baan filayaa, ceebina waa laba af maroojis.