Guddoomiye Shuute oo amar ku bixiyay in nolol iyo geeri lagu soo qabto dadka ku lugta leh dagaal beeleedyada

Published: April 8, 2020

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo ka hadlayay Walawayn ayaa amar ku bixiyay in Ciidamada Danab tallaabo ka qaadaan maleeshiyaadka dhibaatada ka wada degmada Wanlweyn.

Guddoomiyaha Maxkamada sare Shuute ayaa ku amray Ciidamada Danab in nolol ama geeri ku soo qabtaan Maleeshiyada ku lugta leh dagaal beeleedyada maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degmada oo dad badan ku dhinteen.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa si weyn uga carooday dhacdooyin xun oo ka dhacay Wanlaweyn, kuwaasi ah ah in qof inta la dilo, kadibna Meydkiisa la gubay, sidoo kalena laga soo duubay Muuqaalo laguna faafiyay baraha Bulshada. Dagaal beeleedyada halkaas ka dhacayay ayaa salka ku haaya Arrimo la xiriira aanooyin qabiil iyo is qab-qabsi dhinaca maamulka ah.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *