Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland oo xilkii iska casiley

Published: June 11, 2023

Sida lawada sugaayey, waxaa maanta oo Axad ah si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland, xubinitii Xildhibaanimo iyo ka mid ahaanshihii xisbiga waddani iska casiley Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka soo jeeda deegaanada SSC.

Is-casilaada Cabdirisaaq Khaliif ayaa timid, kadib markii Somaliland ay weerar ku qaadey magaalada Laascaanood oo ay ka dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dilka dad shacab ah, kaas oo galaaftey in Somaliland laga saaro gobolka Sool intiisa badan. Cabdirisaaq Khaliif ayaa bishii Febaraayo ku tilmaamey in Somaliland ay ka geysatey Laascanood xasuuq, waxa uu meesha ka saarey sheegashadii Somaliland ahayd in ay a-Shabaab kula dirireyso halkaas, waxaana uu yiri dadkeygu maahan al-Shabaab.

Waa masuulkii u sareeyey ee Somaliland ee la soo doortey muddo xileedkiisina ku joogey oo is-casiley marka loo eego madaxweynaha Somaliland oo muddo xileedkiisi dhamaadey iy kan guurtida oo muddo dheer doorasho la’aan xilka ku hayey.

Cabdirisaaq Khaliif oo ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in wax hanti ah oo Somaliland leedahay uu ka hayey laba gaadhi, mid Hargeysa yaala oo xarunta Baarlamaanka beri la geynaayo iyo mid Laascaanood yaala oo uu ku wareejiyey maamulka SSC ee Laascaanood.

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif ayaa bishii Agoosto sanadkii 2021 loo doortey xilka uu maanta iska casiley, waxaana uu baarlamaanka Somaliland ka soo galay Xisbiga Waddani.

Horseed media