Guddoonka Guddiga PEC ee maamulaya doorashada Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan oo la dhaariyey

Published: June 12, 2024

Waxaa xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland ee magaalada Garoowe ka qabsoomay munaasabadda dhaarinta Gudoonka guddiga doorashada ee maamuli doona doorashada seddexda degmo ee harsan.

Waxaa la dhaariyey Guddoomiyaha Guddiga PEC ee Gobolka Nugaal, Guddoomiyaasha iyo Xoghayayaasha saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, kuwaas oo maamuli doona doorashada dhacaysa dhamaadka bisha June/2024.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Guddiga ahna sii hayaha Guddoomiyaha Mudane Axmed Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee PEC Asad Axmed.

Guddoomiyaha iyo Xoghayaha ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta la dhaariyey inay waajibaadkooda iyo howlaha shaqo u gutaan si hufan oo howlkarnimo leh.

Horseed Media