Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo ka hadlay falalka amni darro ee ka dhaca Muqdisho

Published: September 22, 2022

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa howlgal ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho.

Howlgalkan oo ahaa mid ballaaran waxaa horkacayey Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wariyeyaasha kula hadlay isgoyska Fagax ayaa si adag uga hadlay Ciyaar Weerrada iyo kuwa isticmaala walxa maanka dooriya oo Muqdisho waayadaan ay ku soo badanayeen.

“Ma aqbalayno in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo fasahaad ah, Ciyaal weerada isbiirsaday go’aan cad ayaan ka qaadan doonnaa” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa farriin u diray shaqsiyaadka Magaalada Muqdisho ka soo dejiya waxyaabah maanka dooriya isagoo sheegay in ay wax ka qaban doonaan.

“kuwa Calaqa, Xashiirka iyo muqaadaraadka nuucyadooda kala duwan soo galiya Magaalada, kuwa iibinaya iyo kuwa cuna waa isku dambi, arrin loo dulqaadan karo maahan” ayuu yiri Guddoomiyaha Madaale.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxay kordhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socdo xaafadaha magaalada Muqdisho.

Horseed Media