Gudoomiyaha degmada Afgooye oo shaqo joojin lagu sameeyey

Published: June 3, 2022

Wasaaradda Arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeysay Guddoomiyaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar Maxamed Cumar Muudeey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed Maxaad Maxamed Ciise ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiyihii degmada Afgooye.

Gudoomiyaha shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed, amar diido iyo iska horkeen Maamulka dhexdiisa.

Sidoo kale Guddoomiye Abuukar Maxamed Cumar Muudeey ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay magacaabis sharci darro ah, isla markaana uu waday howlo uu iskaga horkeenayo Maamulka degmada dhexdiisa, taasina ay keentay in shaqada laga joojiyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *