Gudoomiye Aadan Madoobe oo baaq ka soo saaray dagaalka ka dhacay Baydhabo

Published: December 23, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaadda ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu aad xun yahay dhacdooyinka gacan ka hadalka ah ee maanta ka socda magaalada Baydhaba.

“Dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka waxaan farayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dhiillada colaadeed ee taagan loona turo shacabka tabaaleysan. Sidoo kale masuuliyiinta, siyaasiyiinta, saraakiisha, dhammaan ciidamada qalabka sida iyo cid walboo ku lug leh waxaan uga digayaa in ay qayb ka qaataan dhiig la daadiyo xiligan,” ayuu guddoomiyaha Golaha Shacabka ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Dhammaan wixii khilaaf siyaasadeed ah ee ka jira deegaanka, sidii aan horay u soo jeedinay, waxaa lagu xalinayaa miiska wadahadalka. Waxaan u aragnaa dhaqdhaqaayadan kuwo looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta aan ku baaqnay ee lagu madlanyahay 5ta bisha Janaayo 2023-ka.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in dhamaan dhinacyada ku lugta leh qalalaasaha ka socda magaalada Baydhabo la gula xisaabtami doono wixii khasaara ah ee ka dhasha.

Horseed Media