Gudoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay guddi farsamo ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Published: January 1, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi farsamo ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddiga Farsamo ee uu Gudoomiye Aadan Madoobe, waxaana xubno ka noqday Lataliyayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse Barre.

Guddigan oo ka kooban illaa todoba xubnood waxaa gudoomiye looga dhigay Yuusuf Xasan Isaaq iyo Proff. Ibraahim Sheekh Cabdiwahaab.

Sidoo kale guddiga waxaa qeyb ka ah Cabdirashiid Xaaji Xasan, Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow, Cali Cabdi Awaare, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed iyo Maxamed Ibraahim Barre.

Horseed Media