Gudoomiye Dhoobo – ” Madaxwayne Deni amarkiisa ayaa lagu weeraray xarunta baarlamaanka “

Published: November 7, 2019

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-Daareed ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ku eedeeyay weerarkii xalay lagu qaaday xarunta baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in  Madaxweynaha uu amar soo siiyay Taliyaha Booliska Puntland Generaal Muxidiin Gacamey, kaasi oo markii dambe weerar kusoo qaaday xarunta oo ay joogeen ciidamo la isla ogyahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  in khasaaraha ka dhashay weerarka ay qaadayso Madaxtooyada Maamulka Puntland.

“ Waxa weerartay waa Xukuumadda, waxayna ahaayeen ciidankii dowladda, waxaa hoggaaminayay Muxiyadiin Gacameyn, cida amarka bixisay waa Madaxweynaha, oo ah Taliyaha Ciidanka guud, ma jirto wax aan Madaxweynaha ogeyn oo la fulin karo, falkaas ciidanka fuliyay xoog bay damceen inay xarunta kula wareegaan, ilaaladana waa iska caabiyeen ”

ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo Daareed.

Dagaalkii xalay ka dhacay xarunta baarlamaanka waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Aadbaan uga xumahay in bodland
    Ay sharciga ku tumanayso waxaan
    U arkaa in majeerteen sida uu doon ka yeelaayo oo aanu walaalihii waxa aan iskaga tirinayn waan qayri sharci
    Haloodaayo gudoomiyaha xilkiisa
    Waadmahadsantihiin