Gudoomiye Mursal iyo Safiir Ben Fender oo ka wada hadlay doorashada 2021

Published: December 23, 2019

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Safiirka iyo Guddoomiyaha ayaa waxaa ay ka wada hadleen heerka uu maraayo u diyaar garowga doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo, maadaamaa Midowga Yurub uu aad u taageero Soomaaliya Dowladda Ingiriiskana ay xubin ka tahay midowga Yurub.

Mr Ben Fender, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo kusoo jiray dhibaatooyin muddo sanado ah ay u baahanyihiin caawin iyo taageero, sidaasi darteedna dowladdaha Midowga Yurub oo Ingriiska ay u horeysay ay xoojin donnaan taageerada dhinaca walba ah ee la siinayo dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Annagoo sugeyna sanadka 2020ka, iyo sida uu u noqon doono sanad muhiim u ah Soomaaliya, ayaan dalka oo dhan kulamo kula yeelanaynay dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka soo socdo lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh.

Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wakiilada beesha caalamka qaarkood ee taageerada dhinacyada badan leh u fidiya Soomaaliya waxay halkan Puntland u yimaadeen inay ogaadaan aragtiyada ay qabaan madaxda Puntland, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah. Kulamo wadatashi ah oo lamid ah kulankan ayaan horay ulasoo yeelannay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubaland iyo madaxda qaranka iyo Madaxweyne Xaaf ee Galmudug”.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *