Guinea-Bissau: Wasiirka Maaliyadda oo ay xabsiga kala baxeen ciidamo gadoodsan

Published: December 1, 2023

Caasimada Guinea-Bissau ayey tan iyo khamiistii shalay ka taagan tahay xiisad la xariirta xariga Wasiirka Maaliyadda dalkaasi Souleiman Seidi.

Wasiirka ayey xireen ciidamada Booliiska kadib markii Baarlamaanka dalkaasi ku eedeeyey Wasiirka lunsasho hanti Qaran.

Wasiirka Maaliyadda Seidi ayaa looga yeeray Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo lacag dhan $10 milyan oo uu khasnada ka saaray.

Shalay ayey ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan militariga weerar ku qaadeen goobtii lagu hayey Wasiirka.

Ciidamadan ayaa xabsiga kasii daayey Wasiirka Maaliya iyo Agaasimaha Wasaarada Maaliyadda Antonio Monteiro.

Xalay oo dhan ayaa laga maqlayey caasimada rasaasta ay isweydaarsanayaan ciidamada dowlada.

Saaka oo Jimce ah ayaa lagu arkayaa caasimada Bissau ciidamada Nabad illaalinta Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Madaxweynaha dalkaasi ayaa hada ku sugan Dubai oo uu uga qeyb galayo shirweynaha cimilada.

Horseed Media