Guudlaawe oo kulamo la yeeshay qaar kamid ah beelaha Hiiraan

Published: February 8, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen Dowladda iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *