Hanti-dhowrka Soomaaliya Oo Laalay Heshiis Shirkad Ganacsi Loogu Wareejiyey Tiyaatarka

Published: September 2, 2021

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Soomaaliya ayaa baabi’iyey heshiis uu Wasirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ee Federaalka Cismaan Abuukar Dubbe shirkad ganacsi uga kireeyay maqaayad ku taalla dhulka Tiyaatarka Qaranka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hantidhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa waxaa lagu sheegay in sida ay Wasaarada Warfaafinta ay u wajahday arrinta Tiyaatarka ay tahay mid aan waafaqsaneyn nidaamka Dowliga ah iyo shuruucda dalka.

Xafiiska Hantidhowrka ayaa Wasaaradda Warfaafinta xilgaarsiinta ku eedeeyay inay si cad ugu xadgudubtay shuruucda dalka, isla markaana Wasiir Cismaan Dubbe uu sifo sharci darro ah u maray maamulka hantida Wasaaradda, sidoo kalena aysan faa’iido iyo dan ugu jirin bahda fanka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *