Hargeysa: Booliiska Somaliland gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dil ka dhacay gudaha magaakadaasi

Published: November 26, 2022

Taliska ciidamada Booliiska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin ku eedaysan in uu dil ka geystay gudaha magaalada Hargeysa.

War ka soo baxay Ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Baashe Faarax Cabdi oo ku eedaysan dilka marxuum Jimcaale Rashiid Xasan. 

“Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo  kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Sidoo kale Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda in ay amni-darro ka samayso gudaha Somaliland.

Horseed Media