Hargeysa: Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xabsiga laga sii daayay

Published: December 22, 2022
Shares28

Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa laga siidaayay Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa oo uu muddo ugu xirnaa Xukuumadda Somaliland.

Cabdimaalik ayaa la sii daayey kadib markii uu dhammaystay muddadii laba sannadood ee maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ku xukuntay.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa uu u mahad celiyay Hooyadiis iyo cid kasta oo ka xumaatay xarigiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababaha uu u xirnaa ay aheyd in Xukuumadda Somaaliland ay ku eedeysay in uu aflagaadeeyay Dugsiga Abaaso ee kuyaalla Magaalada Hargeysa iyo arrrimo kale.

Horseed Media