Hargeysa: Cabdiraxmaan Cirro oo baaq ka soo saaray xaalada Magaalada Laascaanood

Published: December 31, 2022

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlay xaalada Laascaanood ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida uu booliisku uga jawaabay mudaharaadayaasha.

Mushadax Cirro ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay dhagaysato dareenka shacabka reer Laascaanood, isla markaana ay amaankooda sugto, dadka waxdilayana wax laga qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in anay xisbi ahaan aqbalayn sida xukuumadu uga jawaabtay dibadbaxyada, wuxuuna sheegay in waxa Laascaanood ka dhacay ay lamid tahay wixii dhacay wakhtigii mudaharaadadii mucaaradka.

Dadka reer Laascaanood ayuu ugu baaqay in ay is dajiyaan, nabadgalyada dhowraan, kuna fara adaygaan, isla markaana ay ka taxadaraan dadka xaaladooda dabka kusii shidaya, ayna ilaashadaan wada-jir kooda.

Ugu dambeyn, Cirro ayaa xukuumada, golayaasha guurtida iyo wakiilada, culimada iyo indheer garadka Somaliland  ugu baaqay in ay xaalada si dhakhso ah wax uga qabtaan.

Horseed Media