Hargeysa: Hooyo xaamilo ah oo geeriyootay kadib markii ay la duntay Musqul

Published: April 13, 2023

Alle ha u naxariistee Hooyo 7 caruur ah haysatay isla markaanna xaamilo ahayd oo lagu magacaabo Samiira Maxamed Cabdiraxmaan ayaa geeriyootay kadib markii ay la duntay Musqul (Suuli).

Hooyadan geeriyootay ayaa deganeyd xaafada Killalka ee magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in musqusha ay ku duntay xilli ay xaajo u tagtay, isla markaana markii ay weysay cid u soo gurmata ay sidaasi ku geeriyootay.

Ciidamada dab demiska Somaliland oo goor dambe tagay Guriga ayaa kasoo saaray Godka musqusha Meydka Hooyada oo geeriyootay kadib markii dad deris la ah ay Ciidamada gaarsiiyeen qeylo-dhaan ku aadan in la soo badbaadiyo.

Ciidamada dab demiska Somaliland ayaa ugu baaqay Bulshada kunool degaannada kala duwan ee Somaliland inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.

Horseed Media