Hargeysa: Somaliland oo jawaab ka bixisay eedeyn ay Puntland u jeedisay

Published: November 5, 2022
Shares36

Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo ka jawaabay hadallo kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Abshir Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in Somaliland anay dagaal rabin lakiin ay is difaaci doonto hadii lasoo weeraro.

Taliye Taani ayaa sheegay in Somaliland nabadgalyo ku dhisantahay, Puntland oo deris la ahna ay nabad kula dhaqanto, isla markaana anay madaxda Somaliland hadal xun marnaba ku oran.

“Anagu ciidan ahaan iyo dowlada Somaliland-ba waxaanu ku dhisanahay nabadgalyo, in aanu kula dhaqano jaarkayaga, Puntland-na jaar ayaanu nahay, walina inta hadal qadaf ah ama hadal xun Somaliland kumay odhan, waxaana nu ku dhowrnaa jaarnimada” ayuu yidhi Taliye Taani.

Taani waxa uu sheegay in taliye Abshir dhawaan xili uu qurbaha ka yimid, loo magacaabay madaxa Ciidamada Daraawiishta, isla markaana, aanu xog badan haynin, ayna haboonayd in uu waraysto madaxdii ka horaysay.

Waxa uu sheegay in madaxda Puntland ay hanjabaado kala duwan hawada soo marinayeen dhawaanahan, sidaas oo ay tahayna aanay Somaliland dagaal jeclayn, oo dagaalka dhibtiisa ay xogogaal u tahay, lakiin ay ka jawaabi doonto hadii loola yimaado.

Horseed Media