Hargeysa: Xukuumadda Somaliland oo xisbiyada Waddani & UCID ku eedeysay inay kasoo horjeeda Horumarka

Published: November 14, 2022
Shares58

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka falceliyey go’aankii Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa hadal meel ka dhac ku ah Somaliland ku tilmaamay in Xisbiyada Mucaaradku ay sheegaan in aanay jirin maamul Dadka hoggaamiya, arrintaas ayuu ku sifeeyay mid ay ku doonayaan in ay ku kiciyaan Dadka.

Wasiir Kaahin ayaa ka digay rabshado ay abaabulaan Xisbiyada Mucaaradka si loo dhaawaco Amniga, Xasiloonida, Geedi socodka Doorashooyinka, Horumarka & dhammaan tallaabooyinka kahor imaanaya Somaliland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in labada xisbi ee Waddani iyo UCID ay ku dhawaaqaan go’aan ah in aysan aqoonsaneen Madaxweyne Muuse Biixi & Xukuumaddiisa.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID ayaa shaaciyey in aanay aqoonsaneen Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyaga oo ku dooday in muddo xileedkeedu ku siman yahay 13ka November 2022.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay qabsanayaan Doorasho ka dhan ah muddo xileedka uu kordhisanayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana ay tilmaameen in xilka ay u siman yihiin Madaxweynaha.

Dhanka kale Taliyaha Booliiska Somaliland S/Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa u digay cid weliba oo ku howlan Dibadbaxyo aanay fasax loo heysan Madaxda Xisbiyada Mucaaradka & taageerayaashoodaba.

Horseed Media