Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka ee (WMO) oo warbixin ka soo saartay Abaarta Geeska Afrika

Published: August 27, 2022
Shares266

Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka ee (WMO) ayaa warbixin ay soosaartay waxa ay uga hadashay saameynta taban ee Abaarta ku reebtay Geeska Afrika oo 5 xilli roobaad aanay u da’in taasina ay halis gelisay nolosha Dadka & Duuntada.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu muujiyay in Abaartu heerka ay gaarsiisan tahay la mid tahay, Abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika in ka badan 40 sano kadib.

Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa sheegtay in saadaasha bilaha Oktoobar iyo Disembar ay muujinayso suurtagalnimada xaalado qallalan ka sarreeya kuwii hore.

Agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee Ururka ICPAC Guuleed Cartan ayaa sheegay in Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay qarka u saaran yihiin Musiibo abaarta darteed, waxa uu ka digay halista ka dhalan karta.

Abaarta ayaa kusoo beegantay iyadoo caalamka uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka, waxaana sabab u ahaa dagaalka ka socda dalka Ukraine, kaasi oo saameeyay qeybo ka mid ah Afrika.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in inka badan 80 milyan oo qof oo ku nool toddoba waddan ee ku yaalla gobolka – Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda – lagu qiyaasay inay haysato cunto yari.

Warbixinta Hay’adda Hawada Adduunka ee (WMO) ayaa lagu muujiyay in 2010 illaa 2012kii ay Soomaaliya ku dhinteen 250,000 (Labo boqol & konton kun) oo ruux Gaajo awgeed, Dadkaas kala bar waa Carruur.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay raadineyso Gargaar bani aadamnimo oo degdeg ah si ay u gaarsiiso ku dhawaad 20 Milyan oo ruux oo Abaarta & Colaadda sokeeye ku saameysay Waddamada Xad-wadaagga ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *