Hiiraan: Al-shabaab oo mar kale gubay guryo shacab iyo Ceelal

Published: September 18, 2022
Shares80

Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa maanta mar kale gubay dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodkii ku yaalay deegaanka Ceel Jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab ay qaraxyo ku burburiyen ceel biyoodkii uu lahaa deegaanka Ceel Jiqoow oo ay dadka iyo duunyada ku noola deegaanka iyo hareerahiisa ay ka biya cabi jireen.

Sidoo kale Al-shabaabka ayaa gubay guryahii iyo Ceel biyoodkii deegaanka Ceel jiqoow iyagoo ku amray dhamaan dadkii deganaa halkaasi iney si deg deg ah uga baxaan tuulada.

Dhacdadaan Al-shabaab ay Maanta ku gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodki deegaanka Ceel jiqoow ee gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, iyadoo inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaab.

Horseed Media