Hiiraan: Hawlgalo ka dhan ah Al Shabaab

Published: March 22, 2022

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa maanta gaaray degmada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha oo halkaas kula kulmay saraakiisha kale ee qeybta 27-aad ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah nabadiidka argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaas oo kooxda looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa safarka uu uga baxay Muqdisho waxaa ku wehlinayey Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Jeneraal Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale. Taliyaha ayaa ku dhiira-galiyay ciidamada in loo adeego Qaranka, lagana difaaco oo gacan la siiyo cid kasta oo diyaar u ah inay iska dhiciso nabadiidka Al-Shabaab.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha qeybta 27-aad Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa maalmaha soo socda ku sii sugnaa doona magaalada Buuloburde gobolka Hiiraan, waxayna dejinayaan qorshaha la doonayo in go’doonka looga saaro magaaladaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *