Hir-shabeele oo ku baaqday in ay is karan-tiilaan dadkii la kulmay xildhibaankii laga helay Covid-19.

Published: April 11, 2020

Wasaarada Caafimaadka Maamulka Hir-shabeele ayaa xaqiijisay in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-shabeele sidoo kalena ahaa wasiiru-dawlaha Wasaarada Cadaalada Mudane Khaliif Muumin Tooxow laga helay cudurka faraha ba’an ku haya dunidda ee Covid-19, Bukaanka oo in mudda ah ku xanuunsanayey hotel ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, ayaa markii dambe loo qaaday Muqdisho, si looga baaro cudurka COVID-19 oo haatan laga helay.

asaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, ayaa ku boorrisay dadkii la kulmay bukaanka mudadii uu deganaa Hoteelka Jowhar, in ay is karantiilaan, si aanay bulshada ugu gudbin haddii ay qaadeen cudurka Coronavirus.

Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in ay raadinayaan dhammaan dadkii  xiriirka la sameeyay bukaanka, si loo geliyo karantiil mudda laba asbuuc ah.

“Waxaan hadda raadineynaa dhammaan kuwa laga yaabo in ay la xiriireen isaga muddo 2 asbuuc ee la soo dhaafay si go’doomin loo geliyo looguna kuur galo xaaladooda” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *