Hirshabeelle: Kuraas Kamid ah Golaha Shacabka BFS Oo Maanta Lagu Dooranayo Jowhar

Published: April 9, 2022

Xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in lagu doorto sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta bilaabaya gelinka hore ee Maanta, iyadoona doorashada saddexda kursi ee Golaha Shacabka dhici doonto gelinka dambe ee isla Maanta, sida uu qorshahu yahay.

Sadaxda kursi ee Maanta Jowhar lagu dooran doono ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Musharaxiin saameyn badan ku dhex leh siyaasada Soomaaliya, kursi HOP 024, waxaa ku fadhiyay Cabdiqaadir Caraboow Ibraahin, halka kursiga HOP 106, ay ku fadhisay Mina Xasan Maxamed, waxaana kursiga HOP 140, isna ku fadhiyay Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *