Hirshabeelle oo maanta diiwaangelinaya Musharixiinta u tartameysa Kursigii AHUN Xildh. Aamino

Published: May 4, 2022

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa maanta diiwangelinaya Musharixiinta u taagan Kurisiga HOP#135.

AHUN Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa ku fadhisay kursigan HOP#135 oo ku geeriyootay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo ka dhacay Baladweyne 23kii Maarso 2022.

See the source image

Kursigan oo deegaan-doorashadiisu tahay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan waxaa loo wareejiyay Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar xarunta DG Hirshabeelle waxaa ku sugan musharixiin damacsan in ay isu soo sharaxaan qabashada HOP#135 oo doorashada kursigaan la qabanayo 05ta May 2022.

Kursigan ayaa haddii la doorto waxa uu noqonayaa kii ugu dambeeyey ee Dowlad Goboleedka Hishabeelle ee Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *