Hirshabelle oo dhaliilay Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta ee DFS

Published: January 19, 2020

Maamulka Hirshabelle ayaa si kulul u dhaliilay Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Xukuumadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Jamaal Maxamed Xasan.

Hirshabelle ayaa labadan wasiir ka tirsanaysa cadaalad-darro ay sheegtay inay ku hayaan Maamulada Hirshabelle & Galmudug, iyadoo dhanka kalena soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ee lagu joojiyay mashruucii Sabtidii lagu saxiixay Magaalada Muqdisho. Mashruucan ayaa lagu sheegay mid lagu horumarinayo Magaalo Madaxda Maamul Goboleedyada, sida Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho iyo Garowe, tiiyoo ay ka maqan yihiin Magaalo Madaxda Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ee Jowhar iyo Dhuusamareeb, waxaana mashruucan la sheegay mid uu ku kacayo adduun lacageed oo dhan boqol, laba iyo toban milyan oo dollar.

Xasan Cabdulqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray ku weeraray Wasiir Beyle iyo Wasiir Jamaal.

Qoraalka Muudey ayaa u qornaa:-

Wasiirka Maaliyadda Beyle wuxuu cadaalad darro badan ku sameeyay inta uu xilka wasaaraddaasi haayay Dowlad Goboleedyada Hirshablle State iyo Galmudug State. Wuxuu si joogta ah Beyle dadaal ugu bixiyay in uu hor istaag joogta ah ku sameeyo in labadaa Maamul Goboleed aysan gaarin xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda Dhexe. Beyle wuxuu ka soo jeedaa Boorame, weligiina hal dollar kuma soo kordhin Dowladda Dhexe, mana qaadan karno nin halkuu ka soo jeeday, aan taggi karin inuu canshuurteena nagu dhibaateeyo.

Waxaa lamid ah Wasiirka Qorsheynta Jamaal, oo ah shakhsi aad ugu dadaalay isagana in labada Maamul Goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug la duudsiiyo xuquuqda ka soo gaarta Dowladda Dhexe. Wasiir Jamaal isagana waa shakshi aan hal dollar ka keeni karin deegaanada uu ka soo jeedo, wuxuuna rabaa in uu markasta canshuurteena isagoo ku nool uu na dareensiiyo colaad ku saleysan cadaalad darro, noo gaar ah.

Maaha wax la aqbali karo in shakhsiyaad aanan tagi karin halkii ay ka soo jeedeen ay carqalad joogta ah ku noqdaan wixii aan xaqa u lahayn.

Waxaan si diiran u boggaadinaynaa go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku joojiyay mashruuc ku sheegii lagu saxiixay Magaalada Muqdisho. Waxaan Madaxda Dowladda u soo jeedinaynaa in la baaro labadaa wasiir caqabadaha ay ku hayaan Dowlad Goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *