Hogaamiyaha Mucaaridka Ruushka oo xabsi lagu xukumay

Published: February 3, 2021

Maxkamada Mascow ayaa xabsi ku xukuntay hogaamiyaha mucaaridka Ruushka Alexey Navalny oo horey loogu eedeeyey arrimo la xariira musuq maasuq.

Alexey Navalny ayaa xabsiga la dhigay dhamaadkii bishii hore ee Janaayo kadib markii uu dib uga soo noqday dalka Germany oo loogeeyey arrimo caafimaad kadib markii la sheegay inay sumeeyeen sirdoonka Ruushka.

Maxkamada ayaa ku xukuntay 2 sano iyo 8 bilood oo xabsi ah, qareenada u doodaya hogaamiyahaasi ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunkaasi.

Xariga Alexey Navalny ayaa loo arkaa mid ay ka danbeyso xukuumada Vladimir Putin oo si weyn ulla dagaalameysa hogaamiyahan oo sanadihii lasoo dhaafay hogaanka u hayey mucaaridka Ruushka.

Dalalka Reer Galbeedka oo cambaareeyey xariga Mr. Navalny ayaa ugu baaqay Putin inuu xabsiga kasii daayo ninkaasi.

Taageerayaasha hogaamiyahan ayaa xalay markale banaanbax ka dhigay caasimada Moscow, waxaana la sheegay in ciidamada ay xabsiga dhigeen kumanaan shacab ah.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *