Hoggaamiyihii mucaaradka Belarus oo la afduubtey

Published: September 7, 2020

Haweeneyda hoggaamineysa banaanbaxyada ka socda dalka Belarush Maria Kolesnikova ayaa la afduubtey sida ay qoreen qaar kamid ah wakaaladaha wararka ee caalamku, afduubka waxaa geystey dad aan la caddeyn halka ay ka socdaan.

Xiliga la afduubanaayey Maria Kolesnikova ayey ku sugneyd bartamaha magaalada Minsk ee caasimadda dalkaas oo ay ka socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo Lukashenko.

Kuwa afduubka geystey ayaa wejiyada soo qarsadey, waxaana ay ku qaateen gaari, sida ay warbaahinta u sheegeen dad arkaayey xiliga afduubku dhacaayey.

Warka afduubka haweneydan ayaa yimid kadib markii isla maanta oo Isniin ah ay soo baxeen in laxiray dad gaaraya 633 qof oo kamid ahaa dadkii ka qayb qaadanaayey mudaaharaadyada.

Booliska magaalada Misnk ayaa sheegay in aysan xirin Maria Kolesnikova sida ay ku warantey wakaaladda Interfax ee dalka Ruushanka, waxaana ay iska fogeeyeen afduubka.

Maria Kolesnikova ayaa ah haweeneyda keliya ee mucaaradka ka tirsaneyd ee ku hartey dalka Belarussia, waxaana ay isku daydey in ay tartanka doorashada la gasho hoggaamiyaha mudada dheer xilka hayey Lukashenko.

Tan iyo markii Alexander Lukashenko ku dhawaaqey in uu markii lixaad uu ku guuleystey doorashada codad ka badan 80% waxaa Belarus ka bilowdey mudaaharadyo ooda jabsadey.

Belarus waxay ka tirsanaan jirtey Midowgii Sofiyeetiga, Alexander Lukashenko keliya ayaana hoggaamkye ka noqdey tan iyo markii USSR ay burburtey sanadkii 1991.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *