Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda

Published: August 31, 2021

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka qeybta Galmudug ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Horjooge ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Horjoogahan oo magaciisu yahay Cali Ibraahim ayaa mudo dheer Alshabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud.

Ninkan ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug ka howlgala kadib markii sida uu sheegay uu ku qanci waayay dhibaatada kooxdani ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Horjooge Cali Ibraahim oo ka yimid Ceelbuur ayaa xalay saqdii dhexe iska soo dhiibey Deegaanada hoostaga Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *